Madaxweyne Lafta-gareen oo xilka qaadis sameeyay

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soamaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” waxa uu maanta soo saaray Wareegto uu ku magacaabay Wasiiro cusub.

Wasiirkii Warfaafinta ee KGS, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed waxaa laga qaaday Xilka, inkastoo aan magaciisa lagu xusin Wareegtada xilka looga qaaday.

1- Xildhibaan Ilyaas Saciid Cali “Qalinle” ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta & Wacyi-gelinta Bulshada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

2- Xildhibaan Suleymaan Shuceyb Cali “Salmaan” ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Macdanta iyo Batroolka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Isku-shaandhayntan kooban waxay qeyb ka tahay qorshaha Madaxweynaha KGS uu isbedelka ugu samaynayo Golihiisa Wasiirada, mana aha markii ugu horeysay ee uu soo saaro Wareegto Magacaabis iyo Xil-ka-qaadis Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa.

No photo description available.