Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ku Wajahan Dhuusamareeb  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Maanta ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Safarka Guddoomiye Cumar Finish ayaa xubno hor dhac ah shalay usii diray Dhuusamareeb, kuwaasi oo isugu jiray shaqaale ka tirsan Xafiiskiisa iyo Agaasijmayaal ka mid ah Maamulka Gobolka.

Ujeedka Safar Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmayo Caasimadda Galmudug.

Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo dhammaan Madaxda maamul Goboleedyada, iyagoo halkaas uga socda kulamo gaar gaar ah.

Shirka u furmaya Madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.