Maxaa looga hadlay kulankii Xalay ee Xasan Kheyre iyo Xasan Sheekh

Augusto 02, 2020 (Awdinle Online) – Ra’iisul Wasaarihii sida foosha xumayd xilka looga maalmo ka hor Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii halay ahaa kulan qarsoodi ah la qaatay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo horey saaxiibo u ahaa.

Kulan labadan siyaasi ayaa ahaa mid albaabadda ay u xiran yihiin oo socday saacado badan, hase ahaatee warar hoose oo aan ka helnay ilo ku dhaw labadan siyaasi ayaa noo sheegey in lagu heshiiyay jilbaha Dhulka loogu dhufto Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo ku hawlan sidii uu Ra’iisul Wasaare cusub u soo magacaabi lahaa.

Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre ayaa weligoodba ahaa saaxiibo iyo shuraako dhaqaale, dad yar ayaa garan karay arintaas, hase ahaatee ma ahan mid muuqaneysey.