Wararkii u dambeeyay Shirweynaha Wadatashiga Beelaha Mudullood

Waxaa goor dhow gaaray Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ee degmada Hodan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shirweynaha Wadatashiga Beelweynta Mudullood, kaasoo maanta si rasmi ah uga furmaya Muqdisho.

Shirkan oo qaban qaabadiisa la soo waday bilihii la soo dhaafay ayaa soo maray dhowr weji ah, iyadoo qeybtan uu yahay wajigii labaad oo shirka looga tashanayo aayaha Beelweynta Mudullood.

Ammaanka Xarunta iyo goobaha ku dhow dhow ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana shirka uu yahay mid socon doona saddex cisho oo looga hadli doono dhaqanka beelaha, tabashooyinka, iyo sidii beesha dhexdeeda wixii khilaaf ah u xalin laheyd iyo arrimo kale.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa si dhow shirka ula socota, waxaana ay eedeysa natiijada ka soo baxda, iyadoo uu xilli xasaasi ah uu shirkan ku soo aaday, dalkuna uu ku jiro xaalad kala guur siyaasadeed oo muddo xileedka dowladda uu gabogabo yahay.