Guddoomiye Mursal oo kulan xasaasi ah la qaatay Waare & laftagareen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku qaabilay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur-Galbeed iyo Hir-Shabeelle Cabdicasiis Lafta Gareen Iyo Maxamed Cabdi Waare.

War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay Arrimaha Siyaasadda Iyo Doorashooyinka dalka maadaama hay’adaha kala duwan ee dowladda mudada xilheyntooda uu geba-gabo yahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa 15-kii Bishii July ee sanadkaan Baarlamaanka ka hor sheegay in Xukuumadda iyo Maamul goboleedyada aysan go’aan ka gaari karin Arrimaha doorashada.