Khasaaro ka dhashay qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay degaanka abeelaha Sheekh Ibraahim ee dhaca galbeedka Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada noca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa laal eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 Askari.

Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib waxaa ay fureen rasaas farabadan taas oo ana weli la xaqiijin khasaaro kasoo gaaray dadka Shacabka ah ee ka agdhowaa goobta qaraxa lagula eegtay Ciidamada.

Al-Shabaab ayaa sheegaty mas’uuliyadda qaraxaasi, iyaga oo sheegay inay ku dileen 7 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, hayeeshee aysan biixn faah faahino intaasi ka dheeraad ah.