Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Arrimo culus kala hadlay Taliyaha Afrcom

Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota, ayaa Magaalada muqdisho waxaa ay kulan kula qaateen qaar kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Kulanka oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ee la kulmay Taliyaha Africom, kuxigeenkiisa iyo Amb, Yamamota Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo koonfur galbeed.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab iyo sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga amniga ee Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamomota ayaa sheegay in Mareykanka uu weli diyaar u yahay in uu tageero xoogan siiyo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa DANAB ee uu maamulo si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegan amniga dalkooda.

Kulankaan dhex-maray Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota ayaa kusoo aadayaa xilli dhawaan mareykanka uu sheegay in howlaha Amni ee Soomaaliya uu ku bixiyay lacag ka badan shan bilyan oo dollar 20-kii sano ee lasoo dhaafay, balse aan natiijadii loo baahnaa laga helin.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa uu ka taageeraa dhinacyo farabadan oo amniga uu kamid yahay, waxaana diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka, kuwaas oo uu sheego in uu ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee ay waxyeelo kasoo gaarto mararka qaar dad Shacab ah.