Qoor Qoor oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya mr. Staffan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Galmudugta cusub gaar ahaan arrimaha

dib uheshiisiinta, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Safiirka ayaa soo dhaweeyay waxqabadka Galmudug mudadii ay dhisneed.
Madaxweynaha ayaana uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Sweden la garab taagantahay Galmudug iyo Soomaaliyaba.