Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland oo toogasho lagu dilay

Maamulka Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixiyay iska hor-imaad khasaaro dhaliyay oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolkas, kaas oo lagu dilay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Iska hor-imaadka ayaa ka dambeeyay, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo ku sugna Bar-koontorool oo ku taalla duleedka Magaalada Boorama, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira is qabqabsi ku saabsan dhinaca dhulalka ah, sida uu Warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Magaalada Boorama ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada saaka ay tahay mid degan, isla markaana goobtii uu dagaalka ka dhacay ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland.