Koox hubeysan oo Shan Macalin ku dishay Shabeellaha Dhexe

Wararka laga helayo degmada Cadale Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in 5 macalin dugsi Quraan la dilay, iyaga oo xiligaas ku jiray Subac ama Quraan akhris aroornimadii hore ee saaka.

Dabley hubeysan oo aan la aqoonsan cida ay ka tirsan yihiin ayaa la xaqiijiyey in ay dilka geysteen kana baxsadeen goobta ay weerarka ka geysteen.

Shanta Macalin Quraan ayaa Salaada subax kahor bilaabay Subaca, salaada ka dibna markale oo ay u laabteen ay Dableydan dileen, Majirto cid ka hadashay ilaa hadda.

Maamulka degmada degmada Cadale iyo madaxda sare ee Maamulka Hir-Shabeelle weli kama hadlin dilkaasi foosha xun ee loo geystay shanta macalin.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Macalimiinta la dilay 

1. Sheikh daahir xasan cali dheere
2. Macalin maxamuud canbuure
3. Macalin maxamed xuseen axmed cadaawe
4. Macalin muqtaar c/laahi cilmi
5. Ow muxumud xasan cali dheere