Maamulka Hir-Shabeelle oo amar deg deg ah kasoo saaray dadkii lagu dilay Sh/Dhexe

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe iyo Taliyeyaasha Ciidanka sida qeybta 27aad Taliyaha Guutada ee Milateriga iyo Taliyaha qeybta Booliska inay si degdeg ah ugu baxaan deegaankii saaka ay ka dhacday falkii arxan-darada ahaa ee lagu dilay dad culimo ahaa.

Madaxweyne kuxigeenka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa ku amray inay dadkii ka dambeeyay falkaas waxashnimada ah in gacanta lagu soo dhigo, si cadaaladda loo horkeeno, waxaana Madaxweyne kuxigeenka uu tacsi u diray eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen dadkii saaka lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Raage Ceelle.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Tareedishe iyo Taliyaha Qeybta Booliska Col. Xasan Dhicisow iyo Saraakiil kale ayaa ku baxay deegaankii dadka lagu dilay oo u dhaxeysa Raage Ceelle iyo Cadale.