Madaxweynaha Turkiga oo dalab u soo diray muwaadin Soomaaliyeed oo leh Hibo gaar ah

Dawladda Turkiga ayaa shaacisay in Muwaadin Soomaaliyeed oo dhalinyarro ah laguna magacaabo Guuleed Adem Cabdi oo leh hibada ama isku dayga sameynta diyaarado ay u qaadatay dalkeeda si uu uga dhabeeyo Hamigiisa ah in uu noqdo sameeyaha diyaarado duulimaad sameeya.

Madaxweynaha Hay’adda gargaarka Turkiga ee TÌKA ayaa warkan sheegay, waana war wax weyn u taraya muwaadinkan.

Guuleed wuxuu kunool-yahay magaalada Buhoodle ee gobalka Cayn, horey wuxuu taageero u weydiistay Puntland laakiin mahelin gacan-qabashadii u baahnaa.

Dhawaaqa uga yimid Xukuumadda Ankara ayaa uga dhigan guul-weyn oo hamigiisa kusoo siyaaday, dal kasta wuxuu doonayaa in uu helo dad leh fikradda curinta.