Wasiir ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo goordhow la dilay

Warar Goordhaw naga soo gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay allaha u naxariiste Wasiir ka tirsanaa Maamulka Hir-shabelle.

Nuur Xaashi Warsame oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ayaa dabley hubeysan waxaa ay ku dishay mid kamid ah xaafada Magaalada Jowhar.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa sidoo kale ahaa wasiiru dowlahihii wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta Hir-shabelle.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle, kuwaas oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.