Madasha Xisbiyada Qaran oo mowqif cad ka qaatay xaaladda kala guurka

Madasha Xisbiyada Qaran oo mowqif cad ka qaadatay xaaladda kala guurka Siyaasadeed ee Dalka ayaa soo dhaweysay heshiiskii Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamul gobolka Banaadir ka gaareen Hannaanka Doorashada.

Madasha waxay soo jeedisay taladeeda ku aaddan dhaqan gelinta heshiiska, waxayna ku baaqday in Hannaanka Doorashada iyo fulinta heshiiska loo maro waddo wada oggol ah oo hal dhinac uusan sameyn ku takri fal.