Akhriso:-Sababta uu Mareykanka muwaadin Soomaaliyeed u soo musaafuriyay

Dowlada Mareykanka ayaa dalkeeda ka masaafurisay muwaadin Soomaaliyeed oo horay loogu xukumay sababo la xiriira inuu gargaar u fidiyay Al- Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya sida ay sheegtay waaxda Cadaalada Mareykanka

Mahdi Maxamed Xaashi, oo 31 jir ah ayaa laga soo saaray amarkiisa musaafurinta xafiiska fulinta Magaalada Chicago ka dibna waxaa soo qaaday diyaarad ay leedahay ICE Air Charter taasoo keentay Soomaaliya, waxaana lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay inay jiraan Soomaali kale oo la musaafurinayo, iyada oo Mareykanka ku dhaleeceysay arrintaas.