Farmaajo oo shaaciyay sababta uu uga tanaasulay doorasho qof iyo Cod ah

Madaxweyne Farmaajo oo xalay ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Villa Somalia oo gunaanud u aheyd dhameystirka heshiiska doorashooyinka ayaa ka hadlay sababta uu uga tanaasulay doorashadii qof iyo codka aheyd ee uu ku dheganaa.

Waxaa uu sheegay in sababta ugu weyn ay aheyd in uu kasoo horjeeday in dadka Soomaaliyeed ay kala tagaan,sidoo malena uu Shisheeye soo kala dhex-galo.

“Waxaan ku tanaasulay markii ay gaartay meesha u dambeysay oo ah in lakala tago, waxaa i soo baxday labo inaan kala doorto, waxay kala yihiin in dalka aan isku haayo oo aanu kala tagin iyo in aanu shisheeye na soo faragelin oo aysan isu keen soo jiidin ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.”