Madaxweynaha Galmudug oo War quus ah ka sheegay matalaada G/Banaadir

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo u hadlayay Madaxda Maamul Goboleedyada munaasabad lagu soo xiray heshiiskii Doorasho ee Madaxweyne Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada ayaa halkaasi ka sheegay hadal quus ku ah Matalaada Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in weli ay maqan tahay xaquuqda Gobolka Banaadir, hayeeshee ay ka mid tahay waxyaabaha miiska saaran.

Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee looga heshiiyay Arrimaha doorashooyinka ayaan lagu soo hadal qaadin 13-kii Xildhibaan ee Aqalka Sare, kuwaas oo horay u ansixiyeen Golaha Shacabka.