Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan-Cadde

Diyaarad xamuul ah ayaa ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee Muqdisho iyada oo damacsan in ay caga dhigato garoonka.

Diyaarada oo ay saarnaayeen laba qof oo shaqaale ah ayaa ka soo laabatay Beladweyne oo ay agab u waday kadib markii ay cilad qabsatay waxaana la sheegay in afka hore ka bur burtay.

Weli majirto khasaaro rasmi ah oo la suaaciyay in uu ka dhashay Diyaaradaha ku dhacday Garoonka Muqdisho, iyada oo ay socdaan howlo baaritaano ah oo ay wadaan Shaqaalaha iyo Hay’adaha Amniga Garoonka.

Wararka kusoo kordha kala Halkaan.