Villa Soomaaliya ma awoodii Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ayay la wareegtay?

Maxay ka dhigan tahay Muuqaalka laga soo duubay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban in lagu faafiyo Page-ka Villa Somalia u gaarka ah ?. waxaa caado ahaan jirtay in Madaxweynuhu isaga hor-geeyo Golaha Shacabka una weydiiyo codka Kalsoonida in la siiyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban.

Haddaba Ra’iisul Wasaaraha magacaaban codsiga uu afkiisa ku weydiistay kalsoonida Baarlamaanka ma waxay calaamad u tahay in aanu Madaxweynuhu hor-geyn doonin ama la tagi doonin Baarlamaanka Ra’iisul Wasaaraha, si uu ugu weydiiyo codka kalsoonida.

Qoraa Cabdi Casiis Glof Yare