Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dilay Mid kamid ah wadayaasha ku Shaqeysta Mooto Bajaajka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafada Soonakey ee degmada Hodan, isla markaana askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

“ Wiilka Bajaajlaha ah ee la dilay askariga oo wadada dhinaceeda taagnaa yaa ka codsaday in uu qaado waana uu qaaday, balse markii ay marayaeen Xaafada Soonakeey uu Askariga rasaas ku furay isaasina uu ku dhintay darawalkii Mootada ayuu yiri” Qof Goobjooge ah.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababta uu Askariga u dilay wadaha Mooto Bajaajka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Askariga uu ahaa mid isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Ehellada Darawalka Mooto Bajaajka ee la dilay ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday Meydka Marxuumka , kaas oo la geeyay qeybta Meydka ee Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.