Koox hubeysan oo Ganacsade Caan ah ka afduubtay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa Xaafada Suuqbacaad ee degmada Yaaqshid ka afduubtay Ganacsade Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan

Ganacsadaha oo Caanka ah degmada Yaaqshiid ayaan weli ogeyn sababta ka dambeysa afduubka loo geystay.

Ehellada ganacsadaha ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen in ay ka walaacsan yihiin Afduubka loo geystay Ganacsade Xaaji Maxamuud, isla markaana ay baadi goob ku hayaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in laamaha Ammaanka ay soo gaartay Afduubka, hayeeshee ay baarayaan  dadka afduubtay iyo sababta ka dambeysa.