Meydka Sarkaal ka tirsan Dowladda oo laga helay Hotel ku yaalla Muqdisho

Sarkaal ka tirsan Ciidanka madaxtooyada oo lagu magacaabo Shariif ayaa laga soo saaray meydkiisa hotel ridwaan oo ku yaalla isgoyska ceel-gaabta ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaa kaxeystay maamulka Hotelka si loo ogaado xogo ku saabsan dhimashada Sarkaalkan magaciisa lagu soo koobay Shariif,.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku kulmeen qolka uu ka degenaa gabar uga sii hormartay qolkiisa asaguna uu dib ka yimid.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Gabadha ay Goobta baxsatay, illaa hadda ma cadda sababta dhimashada Sarkaalkan.

Wararka kusoo kordha kala socda Awdiinle Online