Qarax sababay dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Deegaanka Weedow ee Dhaca duleedka Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax miinada nuuca dhulka lagu aaso, waxaana xiligii qaraxa uu dhacayay wadada mararay Gaari ay wateen Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiliga Miinadu ay qarxeysay wadadu ahayd mid mashquul ah sida ay wariyeen dadka deegaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in saddex ruux wayxeelo gaartay, waxaana laga qaaday goobta, ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta tagay ayaa baaritaan kooban sameeyay, inkasta oo aan la xaqiijin haddii ay dad kusoo qabteen.

Lama sheegin saddexda ruux ee la qaaday dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xiray Goobaha ganacsiga ee ka dhaw halka qaraxa uu ka dhacay sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Arbacadii Todobaadkii tagay, Al-Shabaab ayaa sheegatay in Gaari nuuca Ciidanka ah oo ay la socdeen Askar katirsan DFS in ay ku qarxisay miino ay ku duugtay duleedka Muqdisho, isla markaana ay ku dishay 7-Askari.