XOG: Axmed Madoobe, Deni & Qoor Qoor oo qorsho ka damacsan Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo taageero loogu raadinayao Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka hor inta aan la horgeyn Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa si kala gooni gooni ah waxaa ay ula kulmeen Xildhibaannada Federaalka ku metelada Maamuladooda, iyaga oo ka codsaday in codka kasloonida ay siiyaan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa iyo hadda Beelaha aqbalay xildhibaanadooda inay codka kalsoonida siiyaan ay kala yihiin Beesha Shanaa doo ay hoggaamiso Khadiijo Diiriye iyo Beelaha Dir oo uu hoggaamiyo siihayaha Ra’iisul Wasaaraha ee Mahdi Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa waxaa uu la kulmay inta badan Xildhibaannada, waxaana uu aad ugu dadaalayaa inay Xildhibaannada codka kasloonida siiyaan.

Maalin ka hor Muuqaal laga soo duubay Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo la soo dhigay Barta Facebook ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu Xildhibaannada ka codaday in ay codka kalsoonida siiyaan.