XOG: Villa Somalia oo dib u soo celineysa xiriirkii Imaaraadka

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya dib u billowday xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta.

Maxamed Cismaan Balal oo ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan Arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa la sheegay inuu gaaray dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, isagoo farriin ka sida Madaxweyne Farmaajo.

Lama shaacin farriinta Madaxweyne Farmaajo u dirayo Imaaraadka, waxaase jiray xiriirka labada dal inuu aad u xumaaday tan iyo markii dowladda Madaxweyne Farmaajo la wareegtay lacag dhan 9.6 milyan Dollar muddo laga joogo 30 bilood, Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay heshiiskii dekedda Berbera.

Ra’iisul Wasaarqha Itoobiya oo ay xulufo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkanba ka shaqaynayay sidii loo soo celin lahaa xiriirka Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka, iyadoo shuruudaha Imaaraadku dalbaday in la fuliyo si loo soo celiac xiriirka labada dal ay ka mid yihiin in dowladda Soomaaliya bixiso cudur daar rasmi ah, ayna soo celiso lacagaha, aqbasho heshiiska dekedaha Berbera iyo Boosaaso.