Axmed Madoobe oo si kulul ula hadlay Beesha Hawiye

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan maqaab uu yeesho Gobolka Banaadir iyo mowqifkiisa Matalaada Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya ,isla markaana Beesha Hawiya aysan dadka kale ka xiga.

“Hawiyow Muqdisho waa Caasimadda dadka Soomaaliya cid kama xigtaan, waa Magaaladii aan kusoo koray kuna barbaaray uma baahan Guddoomiye Guddoomiye soo Magacaabo waa inay yeelataa maqaam rasmi ah ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu ka sheegay  munaasabad ay Madaxda Dowlad Goboleedyada Muqdisho ugu sameeyeen Xubno ka tirsan Beelaha Hawiye.