Madaxweynaha Galmudug oo Kheyre kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo weli ku sugan Muqdisho ayaa waxaa uu Hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Labada mas’uul oo sigaar ah saaxiibo u ah ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arrimo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa ayuu yiri” Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu mkaalin weyn ku lahaa doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Galmudug,, balse Warar soo baxaya ay waxaa ay sheegayaan in Qoor Qoor uu ka qeyb qaatay ridistii Xasan Cali Kheyre.