Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo kulamo ka wada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa  la kulmay Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta qaar ka mid ah beellaha Soomaaliyeed ee  sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa  ku saabsanaa taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, iyadoo ay goobta joogeen ku dhawaad 50 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulankaan  ka qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadaal ugu jira kasbashada Xildhibaannada sidii kalsoonida u siin lahaayeen.