Xaalada Caafimaad ee Wasiir Goodax Barre oo laga deyrinayo

Wararka ay heleyso Shabakadda Wararka Awdinle Online ayaa waxaa ay sheegayaan in laga deyrinayo xaalada Caafimaad ee Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Laba maalin ka hor ayaa xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, waxaana illogic xog-ogaal ah oo ku sugan dalkaasi ay sheegeen in mid kamid ah Isbitaalada dalkaasi uu aad ugu xanuun sanyo, isla markaana dhaqaatiirta ay ku dadaalayaan.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku mashquul saanaa xalinta cambaareyn kaga timid natiijada Imtixaanka at sanadkaan Wasaaradda shaacisay oo ay ku dhaceen ku dhawaaqay 8,000 oo kamid ah Ardayda Gobolka Banaadir.