Ciidamada Kenya oo dil iyo afduub ka geystay Gobolka Gedo

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa waxaa ay manta weerar ku qaadeen Tuulada Yado oo kamid ah Tuulooyinka hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyaga oo halkaasi ka geystay dil iyo afduub.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay dileen hal ruux halka ay afduubteen Shan qof oo kamid ah dadka tuulada,kuwaas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay la aadeen,waxaana jira baadi goob lagu haayo.

Dadka ay afduubteen Ciidamada Kenya ayaa Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay, Warsame Abeyle Cilmi, Cabdulahi Warsame Abeyle, Warsame Barre Qorane iyo Maxamed Shide Xasan.

Qaar kamid ah ehellada dadka ay afduubteen Ciidamada Kenya ayaa walaac waxaa ay ka muujiyeen afduubtaas, iyaga oo ugu baaqay Maamulka Gobolka Gedo ugu magacaaban Dowladda Soomaaliya inay Ciidamada Kenya ka baadi goobaaan dadkooda.