Kulanka Golaha Shacabka oo furmay & Khudbadda MD Farmaajo oo bilaabatay

Kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow furmay, kaas oo Madaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu horgeynayo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.

Kulanka ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ay socotaa khudbad jeedintiisa, iyada oo Golaha Shacabka uu ka codsanayo inay codka kasloonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.

Intaasi kadib xildhibaannada Golaha ayaa codka kasloonida u qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban, waxaana hadii ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban uu uga mahad celin doonaan tallaabada ay ku ansixiyeen.

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyada oo Maanta uu kulanka kasoo muuqday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cusmaan jawaari.