Ciidanka Danab oo gudaha u galay degaanka Mubaarak & howlgallo..

Ciidamada Danab oo ku hubeysan gadiidka Dagaalka ayaa goor dhaw gudaha u galay Degaanka Mubaarak ee gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada ayaa hada wadda Baaritaano iyagoona mid ka mid ah xafadaha mubaarak ku qabtay gaari Hoomey ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qaraxa

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-shabaab