Kulan u socdo RW Rooble iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo uu kulan kula yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la yeelanaya Mucaaradka ka hor inta aanu soo dhisin Xukuumad,waxaana uu sidoo kale horay ula kulmay Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu la kulmo Saamileyda siyaasadeed ee dalka sida, Xubnaha mucaaradka iyo madasaha Xisbiyada