Waare oo codsi u diray Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Hir-Shabeelle

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaannada labada aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana Ka soo jeeda Hirshabelle kulankaasi oo ku saabsan is xogwareysi la xiriira Xaaladda dalka iyo shirarkii Wadatashiga Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay muhiimada shirarkii dhuusa Mareeb iyo Muqdisho ayna ka soo baxeen go’aanada muhiimka ahaa waxaana xildhibaannada uu ka codsaday meel marinta Go’aanadii ka soo baxay Shirarkii Wadatashi.

Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa iska xogwareystay Muhiimada ay leedahay dhisida Hirshabelada Cusub, loona baahanyahay Waxgaradka iyo aqoonyahanka Hirshabelle in ay ka qeyb qaataan dhisida Hirshabelle xalna laga gaaro mushkiladaha soo noq noqday oo ay ugu horeyso ammaanka iyo dagaal beeleedyada ragaadiyay deegaannada State-ka.