Weerar ka dhacay Afgooye & khasaaro ka dhashay

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamobks tirsan Dowladda.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseyn kooban ay dhex-martay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab,isla markaana dagaalkaas ay ku geeriyoodeen laba ka tirsan askarta Dowladda.

Al-Shabaab oo sheegtay weerarkaas ayaa waxaa ay shaaciyeen inay ku dileen laba askari walow faah faahino dheeraad ah aysan kasii bixin dagaalka ay la galeen Ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan.