Cumar filish oo Casuumay Xildhibaannada Hawiye iyo Mural oo qorsho damacsan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Banaadir duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Finish) ayaa caawa casuumay xildhibaanada iyo Senatorada Hawiye, isaga oo doonaya in uu kala hadlo 13-ka Xubnood we  Aqalka sare ee Muqdisho loo asteeyay in ay u doodaan.

Heshiiskii doorashada oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan lagu soo hadal qaadin 13-ka Xubnaha Aqalka Sare oo Golaha Shacabka u ansixiyeen Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdriaxmaan ayaa damacsan inuu si xoog ah ku ansixiyo heshiiskii Dowladda Federalka iyo Dowladda gobaleedyadda ay ku gaareen xamar, kaas oo aan lagu soo hadal qaadin Matalaada Gobolka Banaadir.

Maalinta Berrito oo sabti ah ayaa waxaa la filayaa in kulan wadajir ah ay yeeshaan Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo ansixin doono heshiiska doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.