Ciidamada Booliska ee Degmada jowhar oo kaashanaaya bulshada ku dhaqan halkaasi ayaa ku howlan dadaallo lagu xaqiijinayaan amniga magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee Gobolka Sh/Dhexe.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada jowhar,maxamed oo u waramay Warbaahinta Dowladda ayaa soo hadal qaaday muhiimada bulshada,u leedahay nabadda iyo sida ay lama huraanka u tahay in shacabku la shaqeeyaan laamaha amniga. .
Taliyaha ayaa ku baaqay in si looga guuleysto cadawga dhagarta u maleegaya shacabka loo baahan yahay in meel looga soo wadajeesto kooxaha nabad-diidka ee dilalka ka wada Gobolka Sh/Dhexe.
Bulshada ku nool caasimada hirshabeele,ayaa soo dhoweeyay hawlgalada ka soconaaya gudaha,iyo hareeraha magaalada jowhar.
Amniga Magaalada Jowhar ayaa aad u xumaaday bilihii u dambeeyay, waxaana bil gudaheed lagu dilay laba Wasiir oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.