Sawiro:- Maxaa Caawa ka socda Madaxtooyada Koonfur Galbeed?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo Xaflad isugu jirtay soo dhoweyn iyo Casha sharaf ugu sameeyey afdigaW uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdulaahi Deni.

Munaasabadda waxaa ku sugan Xubno ka tirsan Wafdiga Madaxweynaha Puntland, Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, Xilrhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno kale, iyaga oo soo dhaweyn u sameeyay Deni.

Madaxweynaha Puntland oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta, isaga oo sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ay yeelan doonaan xiriir wadashaqeyn.