Shacab careysan oo ku banaanbaxay Ciidanka Kenya

Shacabka ku nool degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeeda Ciidamada Kenya oo dad la sheegay inay Shacab ahaayeen dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka degmadaas.

Ciidamada Kenya ayaa maalin ka hor tegay Guri ku yaalla degaanka Yadoo oo 25km dhinaca Waqooyi Bariga kaga beegan Ceelwaaq, waxaana la sheegay inay hal qof dileen Saddex Ruux oo kalena kaxeysteen, hayeeshee mid kamid ah Saddexda qof oo la dilay ay meydkiisa soo dhigeen meel u dhow halkii ay ka kaxeysteen.

Shacabka degmada Ceelwaaq ayaa dhigay banaanbax ay ku dalbanayaan inĀ  Cadaalad loo helo dadka ay dileen Ciidanka Kenya, iyaga oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrintaan waxka qabto.

Qaar kamid ah bannaanbaxayaasha ayaa iyaga oo careysan ka hadlay banaanbaxa, waxaana ay sheegeen in Kenya ay cadaw ku tahay dadka Soomaaliyeed, waxaana Dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeen inay degmada Ceelwaaq geyso Ciidamada Haramcad oo horay ay u geysay degmooyinka kale ee Gobolka Gedo.

Degmada Ceelwaaq kama mid ahan degmooyinka Gobolka Gedo oo Dowladda Soomaaliya ay geysay Ciidamada, waxaana gacanta ku haaya Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Jubbaland.