Wasiir Caadle oo soo bandhigay caqabado heysta Hir-Shabeelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka maamulkaas, Duruufaha Amni, Xaaladda go’doonka ee Degmooyinka Hir-Shabeelle, Dagaal beeleedyada iyo qodobo kale.

Ammaanka Hir-Shabeelle ayuu dul istaagay ugu horeyn, waxaana uu qiray afar sano kahor markii la dhisayay Maamulkaas in uu hagaagsanaa, isla markaana isu socodka waddooyinka uu wanaagsanaa.

Khasaaraha kasoo gaaray weerarada Jid-galka ah ee Balcad iyo Jowhar waxa uu ku tilmaamay in ay ku waayeen Xildhibaanno, Askar, Saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay DG Hir-Shabeelle.

“Muddo 8 ilaa 6 bilood waddada waa ay xasilooneed, isu socodka waa uu wanaagsanaa, saldhigyo toos ah Nabad-diidku kuma lahan jidka, balse waa argagixiso, iyaga oo socda ayay imaanayaan, weerar ayay geysanayaan, Ciidamo Militari ah oo dhowr tallaabo isu jiro & kuwa AMISOM ayaa waddada saldhigyo ku leh ayuu yiri” Wasiir Caadle.

Wasiir Caadle ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab awood ay ku yeelatay Gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo sababtay in Madaxda Hir-Shabeelle ay ka go’aan isticmaalka safarka dhulka, maadaama jidka miino ay gelisay Al-Shabaab kadibna ay geysato weeraro Jidgal ah.