Al-Shabaab oo fagaaro ku toogtay dad ay ku eedeeyeen jaajuusnimo

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Fagaare kuyaal degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxaa ay toogasho ku fuliyeen laba Nin oo mid kamid ah uu askari,kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jaajuusiin.

Ragga toogashada lagu fuliyay ayaa lagu kala Magacaabo Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sana jir ayaa Shabaab ku eedeeyeen in uu ahaa askari la Shaqeynayay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Jalalaqsi,  lagana soo qabtay tuulada Buurdheere.

Halka Ninka labaad oo ay Al-Shabaab toogteen oo lagu magacaabo jiray Cabaas Maxamed Cismaan ay ku eedeeyeen in uu jaasuus u ahaa maamulka Hirshabelle qeybta sirdoonka ee magaalada Beledweyne, isla markaana laga soo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.
Waa markii labaad  oo Bishaan Gudaheeda ay Al-Shabaab toogasho fuliyaan, waxaana Arbacadii la soo dhaafay gelinkii dambe ay toogasho ku fuliyeen Nin ay sheegeen in uu sixirka ku Shaqeysan jiray.