Ciidamada Dowladda & kuwa Kenya oo xaduudka ku dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo gaar ahaan degmada Baledxaawo ayaa waxa ay sheegayaan in israsaaseyn kooban ay dhexmartay Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan Xadbeenaadka Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii Ciidamadda Kenya ay rasaas ku fureen dad shacabka ah oo ku banaan baxayay xaduud beenaadka u dhaxeeya Baladxaawo iyo Mandheera.

Ciidanka xoogga ayaa rasaas uga jawaabay tilaabada ay qaadeen Ciidanka Kenya, waxaana labada dhinac dhexmaray iska horimaad kooban.

Saraakiisha labada dhinac ayaa ku guuleystay hakinta iska horimaadka, waxaana la sheegay in hadda xaaladdu ay tahay mid degan.

Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo labada dhinac soo kala gaaray.