DEG DEG:-Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay heshiiskii doorashada

Kulan aan caadi aheyn ayay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshaan Xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa, iyaga oo ku ansixiyay heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Kulanka waxaa soo xaadiray 215 Xildhibaan oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, waxaana ay uga doodeen heshiiska doorashada oo nuqulkiisa loo qeybiyay.

Intaasi kadib cod ayaa loo qaaday heshiiska doorashada, waxaana ansixiyay 252 Mudane waxaa diiday 2 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamustay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka Shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in heshiiska uu ansax yahay, isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Xildhibaannada anisixinta heshiiska jiheynta doorashada, wuxuuna Xildhibaannada ugu baaqay inay midoobaan.

1-da Bisha November ayaa la filayaa inay bilaawday doorashooyinka Xildhibaannada sida ku cad heshiiska doorashada, waxaana Maalmaha soo socda bilaabanaya ololaha loo galayo helida kursi Xildhibaan.