Jubbaland oo Guddi u saartay dadkii ay xasuuqeen Ciidanka Kenya

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo loogu talagalay in ay soo baaraan dadkii Ciidamada Kenya ku xasuuqeen degaanka Yaddo ee hoostagta Degmada Ceelwaaq.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban Afar Xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga Maamulkaas Cabdi Rashiid Janan iyo Xubinta Shanaad oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland.

Xubnaha Guddigaan ayaa iyaga oo kaashanaya Maamulka degmada Ceelwaaq Ceelwaaq ay baaritaan ku saneyn doonaan sida ay ku timid weerarka at Ciidamada Kenya dadka Shacabka ah ku dileen qaarkoodna ku kaxeysteen.