Sarkaal Boolis oo lagu dilay Muqdisho & faah faahin laga helayo

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gudaha Magaalada Muqdisho saakay ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xidigle Buulle Xuseen, waxaana la sheegay in rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, uu u geeriyooday.

Raggii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas daqiiqado kadib tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, iyagoona qaaday Meydka Sarkaalka.

Marxuum Buulle ayaa waxaa uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda ee u xil saarnaa sugida amniga Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan inta badan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana falalkaas sheegta Al-shabaab.