Xasan Sheekh oo Arrimo xasaasi ah kala hadlayJames Swan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee (UPD) Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta 27-Sep.2020 Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka gaarka ah xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Xassan Sheekh Maxamuud iyo James Swan ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya ayagoo isku soo qaaday arimaha doorashooyinka ee 2020-21.

Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan taageerada uu siiyaan Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaa Arrimaha la xiriira doorashooyinka.