Dad Shacab ah oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha  hoose  ayaa waxaa ay sheegayaan  in  koox hubeysan ay labo qof oo shacab ah ku dileen deegaanka Yaaqbari-weyne ee gobolkaasi.

Sababta ka dambeysay dilka labada qof ayaa waxaa lagu sheegay in ay salka ku hayso aano qabiil, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dilka labada qof  ayaa ku soo aadaya kadib markii askari ka tirsan ciidanka Booliska Koonfur Galbeed uu mid ka mid ah ganacsatada kalluunka uu u dilay Shan Kun oo Shilin Soomaali ah, kadib markii ay murmeen.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay waxgaradka iyo maamulka gobolka shabeellada Hoose , kaasi oo ku aadan in ay faahfaafhin ka bixiyaan dilka loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah.