Galmudug oo soo bandhigtay Ciidamo la dagaalama Shabaab+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Tababar u soo xiray Ciidanka Daraaewiishta Galmudug Urrurkooda Horseed oo Muddo Shan bilood ah Tababar ku qaadanayay Xerada Indha Qaris ee duleedka degaanka Docol.

Madaxweynaha waxaa Munaasabadda xiritaanka Tababarka ku wehlinayay Wasiirka amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi, iyo masuuliyiin kale oo katirsan Labada Gole ee Maamulka Galmudug, Maamulka Gobolka.

Tababarkaan ayaa waxaa loo soo xiray ku dhawaad 500 oo askari kuwaas oo la sheegay in loo diyaariyay xoreynta iyo difaaca degaanadaGalmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo hadal u jeediyay Ciidamada ayaa u mahad celiyay Saraakiishii tababarka siinayay, waxaana uu Ciidamada kula dardaarmay inay gutaan waajibaadkooda.