Waare iyo Taliyaha xoogga oo ka shiray Amniga Hir-Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha Qeybta 27-aad ee ka howlgala Deegaannada Hirshabelle ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira ammaanka Deegaannada Maamulka Hirshabelle oo mararka qaar ay ka dhacaan falal Amni darro.

Madaxweyne Waare iyo Taliye Odowaa iyo saraakiisha kale kala hadlay Xaaladda amniga Hir-Shabeelle, iyo dardargelinta barnaamijka kalaguurka Soomaaliya ( Somalia Transitional Plan) ee xorreynta degaanada Hir-Shabeelle.

Kulankaan looga hadlayay xaalada Amni ee degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weeraro kala duwan ay ka dhaceen degaannada Maamulkaas, isla markaana Madaxda Hir-Shabeelle ay sheegeen in Shabaab ka yimid Shabeellaha Hoose uu soo galay degaannadooda.