Dhimashada Coronavirus ee Dunida oo Ku dhow Hal Milyan

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva maalintii Isniinta ayaa sheegay in baaritaanada ay ku kacayaan wax ka yar 5 $.

Wuxuu sheegay in shiriikadaha Abbott iyo SD Biosensor ay si wada jir ah ula shaqeynayaan Hay’adda Bill & Melinda Gates si ay “uga dhigaan 120 milyan oo ka mid ah tijaabooyinka ogaanshaha cudurka COVID-19 oo si dhakhso leh loo isticmaali karo muddo lix bilood ah.”

COVID-19 waa cudurka uu keeno coronavirus.

Xarunta macluumaadka Coronavisus ee Johns Hopkins ayaa Isniintii werisay inay jiraan ku dhowaad 1 milyan oo dhimasho oo adduunka oo dhan ah. Waxay sheegtay in inka badan 33 milyan oo kays uu ka jiro adduunka oo dhan.

Hindiya gudaheeda, ayaa caabuqa coronavirus ee waddanka ee la xaqiijiyay wuxuu gaaray 6 milyan Isniintii, wuxuu ka dambeeyaa oo keliya Mareykanka, halkaasoo caabuqu uu ka gudbay 7 milyan toddobaadkii hore.